DOORASHO:- Natiijooyin horu dhac oo muujineysa in Xisbiga EPRDF uu ku guuleystay doorashada Itoobiya

DOORASHO:- Natiijooyin horu dhac oo muujineysa in Xisbiga EPRDF uu ku guuleystay doorashada Itoobiya

daajis.com:- Natiijooyin horu dhac ah oo la helay ayaa muujineysa in xisbiga talada haya ee EPRDF uu ku guuleystay doorashadii todobaadkan ka dhacday dalka Itoobiya.

Inkastoo bisha soo socota la filayo in la soo bandhigo natiijada rasmiga ee doorashadii Axadii iyo Isniintii dhacday ee todobaadkan, hadana waxaa jira ifafaale muujinaya in Xisbiga EPRDF uu guul kale oo aqlabiyad ah uu gaaray.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xisbiga EPRDF uu bilaabay inay si horu dhac ah isugu hambalyeeyaan guushan, iyadoo Xisbigan uu dalka Itoobiya maamulayay tan iyo sanadkii 1991-dii.

Xisbiga uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalagn ayaa horay loogu saadaalinayay in mar kale uu ku guuleysan doono doorashadii dhowaan dhacday.

Laakiin Mucaaradka ayaa ku dowladda in loo caga jugleeyay taageerayaashooda ka hor doorashada, isla markaana aanay u codeyn si dimoqraadi ah.

Guddiga doorashada ee Qaranka ayaa sheegay inay doorashadu u dhacday si xor iyo xalaal ah, waxaana Koox kormeerayaal ah oo ka socday Midowga Afrika ay iyana sheegeen in si nabad iyo cadaalad u dhacday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada