DAAWO:- Wiil Soomaali oo ka mid ahaa Qaxootigii ka soo qaxay Dalka Yemen oo la ilmeeyey dhibaatadii ka soo qabsatey!!

DAAWO:- Wiil Soomaali oo ka mid ahaa Qaxootigii ka soo qaxay Dalka Yemen oo la ilmeeyey dhibaatadii ka soo qabsatey!!

daajis.com:- Wiil Soomaali oo ka mid ahaa Qaxootiga Soomaalida ee ka soo qaxay dalka Yemen ayaa waxaa uu la ilmeeyey dhibaatadii ka soo qabsatey dagaalka dalka Yemen ku qabsaday asagoona sheegay inay dhib weyn ay tahay marka dal aan aan dalkaada ahayn uu dagaal ku qabsado maadaama aadan aqoon meel aad u qaxdo oo aad afka saarto. 


Wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa qaxootiga Soomaalida ah ee uu dagaalka ku qabsaday dalka Yemen ayaa waxaa uu sheegay inay halkaas ay kala kulmeen dhibaato baaxad weyn asagoona sheegay inay tahay arin aad iyo aad u dhib badan marka uu dagaal ku qabsado dhul aadan aqoon u lahayn, Wiilkaan Soomaaliga ah oo ka mid ahaa dad dhawaantaan ku soo noqday magaalada Muqdisho ayaa asaga oo ilmeynaayo waxaa uu sheegay inay adag tahay inaad meel u qaxdo hadii uu dagaal kugu qabsado dal aadan kala aqoonin magaalooyinkiisa iyadoona uu wiilkaan sheegay inu ku faraxsan yahay inuu ku soo noqdo dalkiisa Hooyo. 

Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaali badan oo horey uga qaxday dalka Soomaaliya ay hadana dib ugu soo noqonayaan dalkooda hooyo ka dib markii uu dagaal ka qarxay dalkaas Yemen ayaa sidoo kale waxaa jira wali Soomaali fara badan oo ku xayiran dalkaas Yemen maadaama aysan heysan fursad ay uga soo qaxaan dalkaas, Soomaalida Soo gaartey dalk Soomaaliya ayaa iyagana Sidoo kale waxay wali u baahan yihiin in wax loo qabto, Maama Shariifa Cadoow Coloow oo ka mid ah gudiga loo xilsaarey wax ka qabashada dadkaas Qaxootiga ah ayaa waxay sheegtay inay dadkaas Qaxootigu u baahan yihiin in lala soo gaaro gar gaar deg deg ah sida ugu dhaqsaha badan. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada