daajis.com:- Siyaasiyiin Caan ka ah Dalka Soomaaliya ayaa taageero weyn u muujiyay Danjire Axmed C/salaan oo kamid ah musharixiinta u tartameysa xilka Madaxtinimada maamulka G/dhexe.
Danjire Axmed C/salaan oo shalay shir ku qabtay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, ayaa markale ku muujiyay inuu yahay musharax u taagan Madaxtinimada maamulka G/dhexe,
Waxaana sidoo kale uu ku muujiyay awoodiisa Siyaasadeed, iyadoo ay ka qayb-galeen, ra’iisul wasaarayaal hore, wasiirro, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, Siyaasiyiin, Saraakiil Ciidan, Bulshada Rayidka ah, Odayaal dhaqmeed, Aqoon-yahanno, dhallinyaro, iyo haween.
Sidoo kale, Musharraxa ayaa Tilmaamay in Murashaxnimada ay ku dhalisay Cadaadis uga yimid bulshada ku nool Gobollada Dhexe ee dalka, wuxuuna intaas ku daray inuu doonayo sidii uu u badbaadin lahaa dadka Gobollada Dhaxe ku nool, isla markaana uu tubta toosan ku hoggaaminayo, isagoo dadka ku nool Gobollada Dhaxe ka codsaday inay ku taageeraan murashaxnimadiisa.
Mar uu ka hadlay Shirka ka socda Magaalada Cadaado ee lagu dhisayo maamulka Mudug iyo Galguduud ayuu sheegay inuu ka digayo in Dowladda Soomaaliya ay Fara-geliso, isla markaana waxaysan raalli ka aheyn bulshada deegaannadaas la sameeyo, isagoo xusay in rabitaanka dadka uu yahay sidii maamul ay u dhan yihiin ay u sameysan lahaayeen.
musharax-9Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, C/llaahi Goodax Bare oo oo ka hadlay Xafladda ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in Axmed C/salaan uu isku soo sharraxo madaxweynaha maamulka gobollada dhaxe, wuxuuna xusay inuu danjire Axmed C/salaan yahay shaqsi karti badan, isla markaana uu hubo inuu kasoo bixi karo howsha adag ee hortaalla haddii uu doorashada ku guuleysto.
Ugaas Cabdi Daahir oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in Axmed C/salaan uu yahay siyaasi firfircoon oo jecel dowladnimada iyo Qarannimada Somalia, wuxuuna ugu baaqay Bulshada degta Gobollada Dhexe inay garab ku siiyaan sidii uu Danjire Axmed C/salaan ku gaari lahaa himiladiisa siyaasadeed uuna Mustaqbalka u noqon lahaa madaxweynaha maamulka Gobollada Dhaxe iyo kan Soomaaliya intaba.
musharax-13Nabaddoon C/llaahi Geeddi Shadoor oo ka hadlay munaasabada ayaa isagauna ka sheegay in wixii xooggooda ah ay isugu geyn doonaan taageerada Axmed C/salaan, wuxuuna ugu baaqay bulshada Gobollada Dhexe inay doortaan Shaqsigii Samata-bixin lahaa.
Waxaa kaloo Munaasabadda ka hadashay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo tiri. “Dad baa qaba in haddii Muqdisho ay hagaagto dalka intiisa kale uu Hagaagayo, Laakiinse anigu taas ma qabo, Waxaana Aaminsanahay in haddii Gobollada Dhexe ay Hagaagaan uu Dalka oo dhan Hagaagayo. Bulshada Gobolladaas Waxaan ka Codsan lahaa inay Doortaan danjire Axmed C/salaan.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday wada-shaqeyntii dhexmartay isaga iyo danjire Axmed C/salaam iyo inuu ma’suul uga ahaa wax walba oo dib-u-heshiisiin ah oo Xukuumaddiisii ay Qabtay, Wuxuuna Xusay in Danjire Axmed C/salaan uu yahay Shaqsi Mudan in Hadda wixii ka dambeeya la yiraahdo Madaxwayanaha Gobollada Dhexe ee Somalia.
musharax-12Cali Maxamed Geeddi oo isna Ra’iisul Wasaare kasoo Noqday Soomaaliya ayaa Hoosta ka Xariiqay in dhamaan Xubnihii ka qayb-galay Munaasabaddan ay Qabiil walba ka socdaan, ayna Taasi Muujinayso Taageerada uu Dadka Soomaaliyeed ka Haysto Musharrax, Axmed C/salaan.
“Haddii bulshada Gobollada Dhexe lagu tilmaamay dad caqli badan oo dadka si wanaagsan u soora… Maanta ayaa la kala Ogaan doonaa waxay Halkaas kasoo saaraan,” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi oo xusay in Axmed C/salaan uu mudan yahay inuu noqdo madaxwaynaha Gobollada Dhexe ee Somalia.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at