Daawo Sawirro & Video: Wiil Soomaaliyeed oo Booliska Mareeykanka ku biiray

Daawo Sawirro & Video: Wiil Soomaaliyeed oo Booliska Mareeykanka ku biiray

daajis.com:- Khaalid Ibraahim oo ka mid ah Somalida ku nool Magaalada Portland ee Gobolka Oregon, ayaa wuxuu noqday ninkii ugu horeeyay oo Somali American ah, oo ka mid noqda Ciidanka Booliska ee Magaalada Portland.
Munaasabad si qurux badan leh loo soo agaasimay oo lagu qabtay Magaaladaasi, ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhaariyay Khaalid Ibraahim, xubnimadiisa Ciidanka Booliska Portland.

Khaalid Ibraahim oo 24 sano jir ah, ayaa Khamiistii munaasabadda ka sheegay sida uu ugu faraxsan yahay in uu hormuud u noqdo bulshada Somaliyeed ee Magaalada Portland ku nool, si ay iyana ugu soo biiraan Ciidanka Booliska.

Munaasabadan oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta Jaaliyadda Somaliyeed Portland, qoyska Khaalid iyo Saraakiil Booliska Portland ka socotay, ayaa si diiran loogu taageeray ka mid noqoshada Khaalid ee Booliska.

somali Police USa
Saciid Muuse Olol oo ka tirsan Jaaliyadda Somaliyeed ee Magaalada Portland, ayaa wuxuu guul taariikhi ah uu ku sheegay tallaabada Khaalid uu kaga mid noqday Booliska Portland.

Tani waxay qayb weyn ka qaadan kartaa isku soo dhawaansho dhex mara bulshada Somaliyeed iyo kuwa kale ee Mareykanka ah, maadaama Somalida laga aaminsan yahay dad u nugul xagjirnimada.



Khaalid Ibraahim, ayaan noqonayn Somaligii ugu horeeyay oo Booliska Mareykanka ka mid noqda, balse wuxuu noqonayaa Somaligii ugu horeeyay oo Booliska Gobolka Oregon xubin buuxdo ka noqda.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada