Daawo VIDEO:- Dhacdo si weyn u soo jiidatay indhaha dadweynaha

Daawo VIDEO:- Dhacdo si weyn u soo jiidatay indhaha dadweynaha

daajis.com:- Shacabka dalka Shiinaha ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyey jir-dil loo geystay haweeney dalkaasi u dhalatay, kaddib markii la soo bandhigay filim laga duubay nin gaarigiisa ku hor gooyey baabuurkii ay wadatay haweeneydaas, si qasab ahna gaariga uga soo saaray, waddada dhexdeedana kala daalay feer & laad, waxaanna haweeneyda soo gaaray dhaawac culus.


Ninka falkaasi geystay oo ahaa 33 jir magaciisa lagu soo gaabiyey Zhang, wuxuu ku dooday in haweeneyd uu jir dilka u geystay si ula kac ah ay ku dooneysay in gaarigii uu watay oo xaas & cunug uu dhalay ay la socdeen inay shil geliso, markii ay baabuurkeedii ku hor goysay tiro ka dhowr jeer.
Baraha Internetka ee dadku ay aragtidooda ku soo dhiibtaan waxaa si weyn u saameysay ka hadalka dhacdadan, iyada oo dadku markii ay daawadeen 2 filim oo laga soo kala duubay sida ay u wax u dhaceen qaarna ay ka dhiidhiyaan gacan qaadka foosha xun ee uu geystay ninka, halka qaarka kale ay sheegeen in haweeneydu u qalanto jir dilka lagu sameeyey.
Digniin: Waxaa ku jira muuqaal aad argagax ka qaadi kartid:
garaaci 


Dadka Shiinaha waxaa la soo sheegayaa in sannadihii ugu dambeeyey kororka baabuurta & dulqaad yarida qaar ka mid ah darawalada xilliga lagu jiray {traffic jam) in ay ka dhalato muran isku roga gacan hadal dhexmara darawalada baabuurta, sidaa waxaa sheegay Wargeyska South China Post.
Qeybta hoose ka daawo filim sida ay qatarta u gelisay haweeneyda baabuurka uu ninku watay:

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada