Dabley hubeysan oo labo Xildhibaan ku dhaawacay Wadada Maka Al-Mukarama

Dabley hubeysan oo labo Xildhibaan ku dhaawacay Wadada Maka Al-Mukarama

daajis.com:- (Jowhar)— Dabley hubeysan ayaa goor dhow labo xildhibaan ku dhaawacay magaalada Muqdisho, kadib markii ay weerareen gaari ay la socdeen.

Weerarkan oo ka dhacay wadada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, gaar ahaan meel ku dhow Guriga Shaqaalaha ayaa waxaa lagu dhaawacay Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir iyo Cabdalla Boos Axmed.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaan Yuusuf Dirir uu dhaawiciisa culus yahay, halka Cabdalla Boos uu dhaawiciisa yahay mid fudud.

Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhaawacmay darawalka u waday gaariga labada Xildhibaan, waana weerarkii u horeysay noociisa oo wadadaas ka dhaca.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay wateen gaari ay ku buufsaneyd Calaamada Ambalaaska, walina ciidamada ammaanka uma suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan.

Gaariga Xildhibaanada la socdeen ee lagu rasaaseeyay Wadada Maka Al-Mukarama

Ma jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, sidoo kale wali cid ma sheegin, balse weeraradan oo kale waxaa Muqdisho ka fulisa Al-Shabaab.


Dhinaca kale saaka ayaa waxaa dabley hubeysan oo gaari wadatay ay ku dileen degmada Wadajir, labo ruux oo mid ka mid uu ahaa Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka, iyadoo dableydii weerarkaas geysatay ay baxsadeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada