Layaab:- Nin 50-sano ka hor ka baxsaday Xabsi ku yaalla Mareykanka oo la qabtay

Layaab:- Nin 50-sano ka hor ka baxsaday Xabsi ku yaalla Mareykanka oo la qabtay

daajis.com:- Nin dambi dil ah horay u geystay oo 50-sano ka hor ka baxsaday xabsi ku yaal Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa la qabtay.

Ninkan oo lagu magacaabo Frank Freshwaters oo 79 jir ah ayaa dhowaan lagu qabtay magaalada Brevard, waxaana muddo 56-sano ku dhow uu ahaa nin baxsad ah oo dhuumaaleysanayay.

Waxaa la ogaaday in ninkan uu muddo 20-sano ah uu adeegsanayay magac aan kiisa saxda aheyn, isagoo marba magaalo u guuri jiray, si uu ugu dhuumaaleysto.

Booliska oo hayay sawirkiisa 50-sano ka hor ayaa la geliyay galka dacwada dadka loogu doon doonista badan yahay gudaha Mareykanka.

Frank Freshwaters ayaa ugu dambeyn la qabtay, markii shirqool loo dhigay, waxaana la helay farahiisa oo ku dul calaamadeysnaa sawirka muddo 50-sano ka hor laga qaaday, xilligii uu xabsiga ku jiray.

Ninkan ayaa qirtay inuu isaga yahay, isla markaana la ogaaday, markii uu sawirkiisii xabsiga arkay, balse sawirkaas ayaa dhalinyarnimo ka muuqday, waxaana uu ka duwanaa geliyay inuu gar lahaa iyo inuu da’ noqday kaliya.

Maxkamad ayaa horay waxay ugu xukuntay 20-sano oo xarig ah, kadib markii uu gaari uu darawal ka ahaa uu qof wadada marayay ku dilay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada