Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo u Digay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (VIDEO)

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo u Digay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (VIDEO)

daajis.com:-  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa si kulul kaga hadlay Mooshinka laga keenay Baarlamaanka maamulkiisa ee Jubbaland, isagoona ka digay hadii ay dowladda Federaalka joojin waxa ay dabada ka riixayso iny xiriirka u jari doonaan Dowladda Federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa marka hore yiri “Waxaa is weydiin mudan maxaa Jubbaland lagu maagan yahay markii aan Bilownay Dhismaha Maamulkan R/Wasaarihii xiligaas jiray iyo Dowladda Federaalka ahba waxay bilaaben in ay dagaal nala galaan,



oo xitaa xiligii aan wadnay Dhismaha Maamulka, iyagoo aan ogayn cidda soo baxaysa, waxaa ay lahayeen ma aqoonsanin waxa halkaas ka socda.“Markii aan anagu Somalinimo iyo in wax la hagaajiyo aan Doono maha in hadba dhinac nalaga soo maro.”

Markale waxa uu yiri “Maanta waxaad ogtihiin waxa Baarlamaanka Federaalku ay ku dhaqmayaan, iyagoo aan dhul nala xoraynin oo aan wax taakulo ah ka gaysan, ma aqaan sabab sharci ah oo ay ku yiraahdan Mooshin baan idinka Keenaynaa.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada