daajis.com:- Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo ay waheliyeen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed ayaa booqday qar ka mid ah xarumaha dowladda ee ku yaalla Garoowe.
Booqashadan madaxada waxaa hor socday madaxweynaha dowladda Puntland oo geeyay madaxada xarunta telefeshinka dowladda, xarunta talista ciidanka Asluubta iyo xabsiga weyn ee magalada Garoowe.
Madaxada ayaa warbixinno ka dhageysanaysa mas’uuliyinta xarumaha ay tageen,kuwaaso ka warbixiyay shaqooyinka ay qabtaan,waxaana ay booqanayeen dhammaanba xafiisyada ku yaalla xarumaha dowladda Puntland ee ay booqdeen.
Taliyaha ciidanka Asluubta Jen.Cali Nuur Cumar ayuu madaxwayne Xasan ka dhagaystay war bixin ka hadlaysa ciidanka Asluubta iyo xabsiga oo ah mid qaab caalami ah loo dhisay, sidoo kale xarunta Puntland TV ayuu ku ammaanay sida wanaagsan ee ay bulshadda Soomaaliyeed ugu addeegaan.
Madaxweyne Xasan iyo madaxada kale ee dowlad-gobolledyada dalka ayaa ku sugan magaalada Garoowe,waxaana la filaya inay berri soo xiran shirka wada-tashiga ee ka furmay Garoowe maanta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:00 and have







