Mas’uul sheegay in Cumar C/rashiid uu sharciga ka doorbiday beelo gaar ah

Mas’uul sheegay in Cumar C/rashiid uu sharciga ka doorbiday beelo gaar ah

daajis.com:- Xildhibaan ka tirsan BF Somalia ayaa Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ku eedeeyay inuu ka talaabay shuruucdii u degsaneyd dalka Somalia.

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed ayaa tilmaamay in booqashadii Ra’isul wasaaraha uu ku kala bixiyay Jubbaland iyo Puntland uu kaga talaabay sharciga, waxa uuna sheegay si uu u raali galiyo awgeed uu hoos u dhigay Maqaamka DF Somalia.

”Wey iska cadahay qaabka uu ugu tagri falay nidaamka kala xadeynaayo DF iyo Maamul Goboleedyada dalka. waxaa loo diray inuu xaliyo Khilaafyada maamuladaasi kala dhexeeya DF, balse waxa uu siyaasada garab ku siiyay maamuladaasi”

”Heshiisyada uu la galay Jubbaland iyo Puntland cidna ma aysan farin isaga ayaa inta badan maskaxdiisa ka maagay isaga oo qancinaayo dadkiisa”

Waxa uu sheegay in uu sumcad darro u arko in Ra’isul wasaaraha dalka uu Heshiisyo la saxiixdo Hogaamiyayaasha Goboolada dalka, waxa uuna cadeeyay in heshiiska ceynkaasi ah loogu talo galay laba Dowladood oo kaliya.

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed waxa uu Cumar C/rashiid ku sifeeyay inuu yahay Mas’uul xili waliba u jaran-jeera dad gaar ah islamarkaana Siyaasada dalka uga faa’iideysa shaqsiyaadkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassan Sheekh ayuu ugu baaqay inuu ka fiirsado Mas’uuliyiinta uu xilalka isaga dhiibanaayo oo ku tagri falaayo Sharcida dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada