Nin Udhashey Dalka Sweden oo Xaalufiya Xeebaha Awdal oo sheegay inayna diyaar u ahayn Aqoonsi Somaliland ay siiyaan

Nin Udhashey Dalka Sweden oo Xaalufiya Xeebaha Awdal oo sheegay inayna diyaar u ahayn Aqoonsi Somaliland ay siiyaan

daajis.com:- Beryahaan markii la soo qaado magaca tuulo ku taal Sweden oo la dhaho Sävsjö waxaa lala xiriiriayaa Somaliland, maadaama uu halkaasi ku noolyahay ninka lagu magacaabo Mikael Torstensson oo ah la taliyaha madaxweynaha Somaliland mr Siilaanyo isla markaana ah nin ganacsade ah oo leh shirkad kalluun oo xaalufisa xeebaha mamulka Somaliland gaar ahaan degmooyinka Saylac iyo Lughaya, magaaloyinkaas xeebta oo sida uu sheegay u habeenno badan u hoyday khaasatan Lughaya ayaa ka mid ah meelaha shirkadiisu kalluunka ugu badan ka gurato.

Ninka oo u dooda in la aqoonsado Somaliland sidaas darteedna loogu xidhay kalluunka xeebta Awdal ayaa la sheegay in uu Somaliland xidhiidh la samaystay wakhtigii Daahir Rayaale, sababta barashadiisana waxa ka dambeeyay nin reer Awdal ah oo  la yidhaahdo Cismaan Sheekh oo ugu dambeyntii ahaa Wasiirkii Macdanta ee xukuumadii Rayaale. Ninkan ayaa marar badan casuumado kala gadisan u fidiyay masuulyiin ka tirsanaa maamulka Rayaale iyo kuwan imika ee Kulmiyaba.

Hadaba Beryahaan dambe ayaa waxaa laysla dhex marayay in tuulada Sävsjö ay aqoonsatay Somaliland balse taasi ayaa waxaa ka biyo diiday gudoomiyaha degmada.


Sam Dualeh oo ah wariye ayaa waydiiyay gudoomiyaha Sävsjö oo lagu magacaabo Stefan Gustafsson in tuuladiisa ay aqoonsatay, isagoo ku jawaabay in ay jecelyihiin horumarka Somaliland balse aysan diyaar u ahayn in ay aqoonsadaan xiligan.

Hadaba su’aasha la iswaydiinayo ayaa ah faa’iidada uu u leeyahay Mikael Torstensson Maamulka Somaliland xitaa haddii uusan awoodin in uu ka dhaadhiciyo tuulada yar ee uu ku noolyahay in ay aqoonsato Somaliland? Intee ayay le’egtahay fursada in uu dowlada Sweden ka dhaadhiciyo in Somaliland ay aqoonsadaan??? Mise sheekada dhan waxaa laga doonayaa nin caddaan ah oo calanka Somaliland ee waliba Towxiidka leh meelaha la wareegaya?

Xigasho Somalis.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada