daajis.com:- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alfa Group ayaa markii ugu horeysay waxay ku guuleysteen inay kala wareegaan ciidamada AMISOM ilaalinta amaanka madaxda iyo wafdiyada kala duwan ee caalamiga ah ee soo booqoneyso dalka Soomaaliya arintaas oo ah guul weyn oo u soo hoyatey dowlada Soomaaliya.
Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gaashaan ama Alfa Group ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay la wareegaan ilaalinta amaanka madaxda iyo wafdiyada kala duwan ee soo gaara magaalada Muqdisho iyadoo markii horena ay arintaas ay u xilsaarneyd inay qabtaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, Mudooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxaa la arkaayey ciidmada Gaashaan oo u soo galbinaayo madaxda iyo wafdiyada caalamiga ee booqashada ku yimaada magaalada Muqdisho xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee ay ku sugan yihiin madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina iyadoo ciidamada Gaashaan ama Alfa Group ay u suuro gashay la wareegida sugida amaanka madaxda iyo wafuuda caalamiga ah ee soo booqoneysa dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay ciidamadaasi ay kaalin weyn kaga jiraan guud ahaan sugida amaanka iyadoona ciidamadaas oo si gaar ah oo heer sare ah loo soo tababarey ay ku guuleysteen soo af jarida ama xalinta weerarada ay kooxda Alshabaab ay ku qaaday goobo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdsiho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at