Maxaa heesaha xaawa kiin looga mamnuucay universaltv

Maxaa heesaha xaawa kiin looga mamnuucay universaltv

daajis.com:- Fanaanada da’da yar ee Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Xaawo Kiin Axmed Hilowle ayaa waxaa heesaheeda laga Mamnuucay Taleefishinka afka Soomaaliga ku baxa ee Universal Tv in laga sii daayo, iyagoo ku eedeeyay Xaawo Kiin inay Habeenkii Ciidda oo ay Universal marti ku aheyd kadib ay hadana soo martay Barnaamij ka baxayay Royal Tv kaasoo ay fananada isla habeenkaasi marti ku noqotay kana Tuntay.

Xaawo Kiin oo Banaanka iskeentay Habeenkii Ciidda

Xaawo Kiin waxey la timid dareen cusub.
Amiir William iyo Kate Middleton oo rajeynaya cunugoodii u horeeyay.
Kadib markii ay Xaawo kiin ka tuntay habeenkaas Royal TV ayaa waxaa uu arinkaasi leeb ku noqday Agaasimaha TV-ga Universal oo aad mucaarad ugu ah Royal Tv , waxaana uu durbadiiba mamnuucay in taleefishinkiisa laga sii daayo heesaha Fanaanadan da’da yar, maadaama ay habeenkaas Shiday TV kale iyadoo kasoo kacday showgii Ciidda ee Universal.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee Jecel Heesaha Xaawo Kiin ayaa arrinkaasi aad walac uga muujiyay iyagoo xusay in fanaanada tahay shaqsi xor ah oo aysan aheyn wariye ka shaqeeya Tv -ga Universal , ayna ka heesi karto meeshii ay doonto maadaama uusan TV gu siinin mushaar , waxaana arrinkaan lagu sheegay inuu yahay takoor ku yimid fanaanada maadaama loo diiday ikhtiyaar.

Xaawo Kiin ayaa habeenkii ciidda aad ugu tuntay Universal , heeso jaceyl ahaa oo daawadashii habeenkaas aad madaxa ula luleen waxeyna habeenkaas oo qura kasbatay taageerayaal aad u badan iyadoo heesaheeda lagu soo shubay internetka waxana ay haatan wali ku taamayaan inay TV-ga ka daawadaan heesaha fanaanadan , iyagoo ugu baaqay Agaasimaha Universal Injineer Axmed Abuubakar inuu si shuruud la’aan ah kusii daayo heesaha macaan ee fanaanadan uuna fanka ka joojiyo takoorka maadaama ay xor yahiin fanaaniintana lagu xerin inay ku ekaadaan shirkadiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada