daajis.com:- Qisadaan aan ugu talo galnay in bogga kobciyemedia.com lagu soo daabaco maalin walboo jimco ah hadii aay ku dhaaftay qeybaheedii hore
Biloowga Qeybtii Labaatan Iyo afaraad Qisadii Fanaxleey.
Rooraaye sida adag ee aan jixinjixa lahayn oo Fanaxley ula hadashay, iyo sida wejiga loogaga sayray jacaylkii cusbaa oo uu sheegtay waxay ku soo aadday waqti noloshii uu Kenya ku haysan jirey wax weyni iska beddeleen.
Laga soo bilaabo waqtigii fogaa ee uu dalka Kenya galay Rooraaye waxa uu ku noolaa nolol u oggolaanaysey inuu sannad walba fasax u aado meelkasta oo madaxiisa kusoo dhacda, habeen walbana ka casheeyo meesha hadba gabadha habeenkaas la socotaa carrabka ku dhufato, meelaha dadka dalka ka taliya, iyo kuwa wax haystaa isku arkaanna aad ayaa looga yaqaanney. Hadda noloshii noocaas ahayd waxa uu ka hayey sawirro keliya, oo weliba qaar kammid ah la weydiistey inaan haysashadiisa lagu faraxsanayn oo ay tahay inuu jeexjeexo.
Hoteelladii waaweynaa afarta iyo shanta xiddigood lahaa ee uu isaga gooshi jirey waxay dantu ku kalliftay inuu ku beddesho hoteel yar oo ku yaal xaafadda Easleigh ee bariga magaalada Nairobi, oo waayadii hore xataa marka uu dan ka yeesho uu si dhuumasho ah ku geli jirey, kagana soo bixi jirey.
Xaafadda oo ay dadka Soomaalidu ku badnaayeen Rooraaye kalama kulmin waxaan jirxumayn ahayn waayo qof kasta oo garanayaa wax uun buu ka tabanayey la xariira waqtigii uu dadka dhoofin jirey, oo waxay dadku u badnaayeen kuwo inta dhoofkii u mari waayey aan Rooraaye lacagtii u calin, kuwo rumaysan inuu lacag dheeraad ka qaaday, iyo kuwo rumaysan inuu ka dhex shaqeeyo Soomaalida iyo askarta, wayna jireen dad markay lacagtii qaraabadooda lagu dhoofiyey wixii ku dhimmanaa soo qaban waayey aanu ka sugin ee lasoo xiray.
Rooraaye haddii waa xiddiggiisu Nairobi ku nuuray maanta waa ka damey, abaal uu u ciirsadana horay meel uma dhigan, oo xataa ma haysan saaxiib uu Easleigh kula hadlo oo la sheekaysto.
Wuxuu waqti u helay inuu garwaaqsado qaladaadkii uu horay u galay oo dhan, wuxuuna markii ugu horreysey intuu Kenya ku noolaa hadda fahmey inuu runtii Soomaali yahay waxaa keliya oo saaxiibbadiisa Keenyaatiga ahi usoo dhoweysanayeenna ay ahayd lacagta sharci darrada ay ku helaan.
Markay iska hor imaadeenna waxay kusoo eedeeyeen inuu baasaboorka iyo aqoonsiga Kenya si musuqmaasuq ah ku qaatay wayna ka xayuubiyeen, oo hadda ma haysan wax dokumenti ah oo u oggolaanaya inuu dalka ku noolaado, oo si dhuumaalaysi ah ayuu isaga noolaa. Fanaxley markuu dhowr goor ku celceliyey inuu jecel yahay ayay adkaysan weydey oo joojisey inay taleefankii ka qabato.
Nabsi ama waxay doonayso ha ahaatee runtu waxay ahayd inuu hadda si ba’an usoo jeclaaday Fanaxley, laakiin riwaayaddii uu ku noolaa waqtigii uu bartay darteed aanay maskaxdiisa weli ka dhaadhicin inay tahay fursad mar soo martay, sawirradeeda oo uu jeebabka ku wataana ayay soo celinayn Fanaxley oo isagu dalka ka tarxiilay iyadoo isaga u ooyaysa. Wuxuu niyadda ku dejisanayey in maaddaama uuna Kenya sharci iyo wax uu ku noolaado midna ku haysan, uu Xamar tegi doono, oo Fanaxley inta raadiyo guursan doono.
Xigasho:- Kubciye
Waa Socotaa ….. Lasoco Jimcaha dambe Iyo Kobciye.Com – > – >
© Qoraaga Weyn .. Said Farah (Saciid Soomaali)
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:10 and have
, Published at