Sheeko Xiiso Badan:- Xuseen Maxaa Qabsaday Xilliguu Ku Xayirmay Roobkii Aan Kala go’a Laheyn Maxana Dhex Maray Asaga Iyo Bahalku Arkay.

Sheeko Xiiso Badan:- Xuseen Maxaa Qabsaday Xilliguu Ku Xayirmay Roobkii Aan Kala go’a Laheyn Maxana Dhex Maray Asaga Iyo Bahalku Arkay.

daajis.com:-  Xuseen waxuu sugayaa bidhaanta hillaaca, waxuuna gacmaha ku haystaa labadiisii dhagax, Xuseen wuu ogyahay in labada dhagax ee uu sito aysan ahayn kuwo dili karo afar lugoolaha hortiisa taagan, dibna uma noqon karo gudcurka jiro awgiis, iyo isagoo aaminsan; “in dhabar u jeedinta, ama bahalaha oo duudka la xigsiiyo qatarteeda leedahay” ugu yaraan waxuu ku fikirayaa inuu billigta hillaaca ku eegto meel deeqi karto ama uu salka la gali karo haddii eey howsha faraha ka baxdo.

Indhaha waa nuur aanan wax arki karin illaa ey nuur kale helaan, Xuseena sidii buu digtoonow ugu jiraa, ilbiriqsiyadii uu hilaac sugaha ahaana waxey ula mid ahayd tobanaan sano, mar labaad ayuu cirkii hilaaca waynaa iftiinkiisii soo tufay, Xuseen oo awal horeba diyaar ahaana waxuu si fiican indhaha uga buuxsaday afarluggoolihii daqiiqadaha caburiyay, Waxuu is lahaa waxu waa dhurwaa magaalada u soo balaq doontay, balse ma noqon wixii uu qatarta moodayayna wax kale ma noqon oon ka hayn xayawaanka marka uu howlgab noqdo jidadka ama laamiyada isa soo taago oo aad ila wada garanaysaan.

Hal mar ayeey neefi ka soo booday waxaana u xigay inuu kaligiis iska qoslay qosol girriir illoowsiiyay tasbiixda uu dadku ku dhawaaqo marka uu gugcayo cirka hillaaca dabadiis.

Xuseen waxuu iska sii watay socodkiisii liicliica ahaa, illaa uu meel fog ka maqlo Hugunka ka baxayo biyaha sida xooga leh ugu shubmayo toggii uu mari lahaa!



Geesigu waa ma naxe,e Xuseen waxuu goostay inuu sinaba uga dhixin hoygiisa waayo waxaa lagu jiro, waa maalmihii cimrigiisa, waxuuna sadax ka tirsaday maalmo cajiib ah kuwaasooy Soomaalida u taqaano “Toddobo”

Inkastoo uu xuseen yahay dabaal aqoon khibrad dheer u leh sida biyaha la isaga tallaabo haddana caawa oo kale waxba uma arko inuu tarraaro waadi daad xoor ah oo geedo iyo xoolo waxuu arkay oo dhan dusha ku sita, umana baahna iftiin oo haatan waxuu diyaar u yahay inuu dabaal-Garab togga kaga gudbo, si uu meel huban uga baxana waxuu doonayoo inuu iska soo tuuro meel masaafo ahaan dhowr mitir uun dhanka hirka ka imaanayo kaga beegan meesha uu doonayo inuu aayar u soo caga dhigto, waxuuna iska fududeeyay dharkiisii qoyanaa oo uu ku duuduubtay gacantiisa midig.

W/Q Abwaan Saciid Muuse

Source:- Kubciye

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada