daajis.com:- Wararka kasoo baxaya dalka Siiriya ayaa sheegaya in shantii maalmood ee lasoo dhaafay kooxda ISIS ay magaalada Palmayra (Tadmur) ku dileen dad u dhaw 100 qof.
Dadka la dilay ayey kooxda ISIS ku eedaysay inay la shaqeyn jireen ama sirta u gudbin jireen ciidamada dowlada Bashar Al Assad oo dhulkaasi laga saaray asbuucii lasoo dhaafay.
Kooxda xagjirka ah ee ISIS ayaa todobaadka isku balaarisay qeybo kamid ah waqooyiga iyo Bariga dalka Siiriya.
Qabshada magaalada Palmayra oo ku taal bartamaha dalka Siiriya ayaa guul weyn u ahayd ISIS, waxayna muujineysa inay kooxdaasi kusii dhawaanayaan caasimada Dimishiq.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at