Malasiya oo xabsiga dhigtay Askar ka qeyb qaatay Tahriibta

Malasiya oo xabsiga dhigtay Askar ka qeyb qaatay Tahriibta

daajis.com:- Dowlada Malasiya ayaa xabsiga dhigtay 12 askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska oo lagu eedeeyey inay ka qeyb qaateen hawlaha tahriibta ee waqooyiga dalkaasi.

Asbuucan ayaa waqooyiga dalka Malasiya goobo u dhaw xaduuda dalka Thailand laga helay xabaal-wadareed ay ku aasan yihiin dad tahriibayaal ah oo si khasab ah loogu hayey xeryo ay maamulaan kooxaha tahriibta ka ganacsada.

Xeryahan oo ku yiilay dhulka kaymaha ah ee saaran xadka u dhaxeeya Malasiya iyo Thailand ayaa si khasab ah loogu hayey boqolaal dadka kasoo jeeda Burma iyo Bangaladheesh.

Xabaalaha la helay ayaa la sheegay inay ku aasnaayeen in ku dhaw 150 meydad ah arrintaasi oo ay weli baaritaan ku socoto.

Booliiska la xiray ayaa la sheegay inay hawlaha u fududeyn jireen kooxaha ka ganacsada Tahriibta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada