Daawo Sawirada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Cumaan oo mar kale Wacdaro ka dhigay Asbuuca dhaqanka.

Daawo Sawirada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Cumaan oo mar kale Wacdaro ka dhigay Asbuuca dhaqanka.

daajis.com:- Waxaa magaalada Salalah ee caasimada dalka Cumaan lagu soo afmeeray maalintii shalayd ahayd 26/5/2015 asbuuc dhaqameed, kaasi oo ay ka soo qayb galeen jaaliyadaha dalal farabadan.

Barnaamijkan ayaa lagu  qabtay kuliyada xirfada iyo teknoologiga ee dalkaas oo hoostaga Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha . Wadamo farabadan ayaa soo bandhigay qoli walbi farshaxan keeda iyo hida iyo dhaqankeeda , waxaana lagu soo bandhigay cayaaro iyo sawiro kala duwan iyo cuntooyin noocyadooda kala duwan .  Jaaliyada Soomaliyeed ee cumaan oo laga bartay firficooni dheerad ah sanad walba hormuud u ah bandhig dhaqameedyadaan , ayaa waxa ay ka mid a haayeen jaaliyadihii ka qayb galay  soona bandhigay hidaha iyo dhaqan dhamaan dad yowgii meesha joogay ay u riyaaqeen .

Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliyeed ee wadanka cuman Mudane Barkhad  Mohamed Sheekeye oo oo door lama ilaawan ka ha qaatay isku duba rida iyo  agaasinka  waxqabad walba oo ka dhaca wadankaas iyo dhamaan xubnihii ka qeyb qaatay ee jaaliyada Soomaliyeed ,ayaa  masuulintii dowlada ka socotay  ay aad ugu bogaadiyeen howla  wax ku ool ka ah oo ay qabteen iyo farshaxanka la yaba kal leh ee ay soo bandhigeen .

Maha markii ugu horaysay ee Jaaliyada Soomaliyeed ee Cuman ka qeyb gasho asbuuc dhaqameedkaan , waayo Sanadkii hore ayey ahayd  markii kaalinta kowaad ka galeen asbuuc dhaqameed kan la mid oo lagu gudoonsiiyey bilad dahab ah .

Hoos Ka Daawo Sawirada;-










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada