VIDEO:- Taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo kan Asluubta oo Maanta Muqdisho Lagu Magacaabay

VIDEO:- Taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo kan Asluubta oo Maanta Muqdisho Lagu Magacaabay

daajis.com:- Kal fadhigii Caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah isugu yimid shirkoodi isbuuclaha ahaa, waxaana kulankan shir guddoominaayey Ra’iisalwasaaraha Dalka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Golaha Wasiirada ayaa waxaa horyaalay magacaabista xubnaha buuxin lahaa boosasoka taliyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta, waxaana golahaha wasiiradu si buuxda isugu raaceen in xilkaas loo magacaabo Gen. Xaamud oo horey u ahaan jirey Wasiirkii Gaashaandhigga ee xukuumadii Cabdiweli Sheekh Axmed.


Sidoo kal Golaha Xukuumadda ayaa xilkii ka qaadey Taliyihii ciidanka Asluubta waxaana ay u magacaabeen Gen. Bashiir Goobe oo hadda ahaa Xildhibaan, horeyna u noqdey Taliyaha ciidanka sirdoonka.

Golaha Xukuumadda ayaa magaacibsta taliyaasha u gudbiyey Madaxweynaha si uu digreeto ugu soo saaro.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada