daajis.com:- Xildhiban Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka wada dhismaha Baarlamaanka Jubba ayaa sheegay in kulanka ugu soo horeeya ee uu Baarlamaanka Federaalka uu yeesho ay cod ugu qaadi doonaan mooshinka.
Isagoo ka hadlayay booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha ku joogo Kismaayo ayaa waxaa uu xusay in xataa haddii uu xal keeno ay iyagu sii wadi doonaan.
“Ra’iisul wasaaraha shaqo ayuu leeyahay, Baarlamaankana shaqo, anagana mooshinkan waxaa cod u qaadi doonaa kulanka ugu soo horeeya ee Baarlamaanka”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.
Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland inuu aflagaadeeyay Baarlamaanka, isla markaana uu ku jees jeesay.
Labo jeer ayaa waxaa dib u dhac ku yimid cod la doonayay in loo qaado mooshinka laga soo gudbiyay dhismaha Baarlamaanka Jubbaland, iyadoo muranka arrintan ku saabsan ay keentay xiisad siyaasadeed oo ka dhex abuurma dowladda iyo maamul goboleedyada.
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo xalay Kismaayo ku hoyday ayaa socdaalkiisa waxaa uu la xiriiraa arrinta ku saabsan mooshinka, iyadoo Maamulka Jubbaland ku hanjabay in xiriirka u jarayan dowladda Federaalka, haddii la meel mariyo mooshinkaas.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:35 and have
, Published at