daajis.com:- Hay’adaha Amniga ee dalka Kenya ayaa sheegeey inay gacanta ku soo dhigeen nin ka tirsan Ururka Al Shabaab, kaasoo magaciisa lagu sheegeen Khalid Mohammed, ahna Muwaadin Kenyan ah.
Ciidanka qaaska ah ee la dagaalanka argagaxisada ayaa galay hoyga ninkaasi kadid markii ay soo gaareen Xogag sheegaya in guriga uu yaal hub iyo bambooyin.
Baaritaanka kadib ayaa taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Mombasa, Robert Kitur waxa uu warbaahinta u sheegay in ninkaasi hoygiisa laga helay bambo gacmeed iyo alaabta qaraxyada balaastikada ah laga suubiyo.
Khalid Mohammed ayaa sheegay in eedeymahaasi ay been yihiin, sheegayna goorta gurigiisa la baarayay ahayd markii la soo xiray kadib, hubka iyo qaraxyada ay sheegayaana uu san ogayn cida meesha dhigtay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:42 and have
, Published at