Daawo Sawirada : Xubno Sar sare oo katirsan Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ee FIFA oo saakay la xiray

Daawo Sawirada : Xubno Sar sare oo katirsan Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ee FIFA oo saakay la xiray

daajis.com:- Ciidamada booliiska Dalka Switzerland ayaa saakay oo arbaco ah waxa ay xireen masuuliyiin sar sare oo katirsan Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ee FIFA, kadib markii xubnahaasi lagu soo eedeeyay Musuq maasuq .

Booliiska Dalka Switzerland ayaa saakay aroor hore xili ay hurdeen waxa ay ugu galeen Hoteeladii ay dagnaayeen Xubno sar sare oo katirsan Xiriirka Kubada Cagta ee FIFA kuwaa oo la xaqiijiyay in xabsiga la dhigay.

Xubnahan katirsan FIFA ee la xiray ayaa la sheegay in loo dhoofin doono dalka Mareykanka kadib markii lagu eedeeyay Musuq-maasuq , waxaana xariga Masuuliyiintan tamid kadib codsi Dowlada Switzerland kasoo gaaray Waaxda Cadaalada Dalka Mareykanka .

Masuuliyiinta FIFA katirsan ee la xiray waxaa ku jira Madaxweyne ku xigeenka Xiriirka Kubada Cagta ee FIFA , waxaa sidoo kale raga kale ee la xiray ay ku jira xubno sar sare ee xariirka kubada Cagta aduunka hogaamiya.

Xubnahan FIFA katirsan ee la xiray ayaa lagu eedeeyay iney adeegsadeen Fowdo iyo Lacago la dhaqay waxeyna arintaan socotay sanadao badan sida ay sheegtay New York Times iyadoo arintaan ay ku lug yeelaneyso labada koob aduun ee lagu qaban doono Russia iyo Qatar 2018 iyo 2022-da.

Xariga Masuuiyiintan ayaa imaanaya xili todobaadkaan lagu balansan yahay shir weynahii 65-aad ee Hay’adda ugu sareysa Kubada Cagta Aduunka FIFA oo lagu dooran doono Madaxweynaha FIFA ay ku tartamayaan Sepp Blatter iyo Prince Ali Bin Al Hussein.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada