daajis.com:- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu ka hadlay Mooshinka xilligan yaala Baarlamaanka Somaliya, ee laga keenay Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.
“Mooshinka kama hari doono ilaa Baarlamaanka Somaliya uu ka ansaxiyo. Guddoonka Baarlamaanka wuxuu noo sheegay in Mooshinka uu yahay mid Sharci ah.” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.
Xildhibaan Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha keenay Mooshinka, ayaa yiri "Waxaa waajib ah inuu Sharciga meel maro, xitaa haddii sanad uu qaadanaayo waa waajib in sharcigu uu shaqeeyo."
Wuxuu meesha ka saaray in iyaga ay cid gaar ah weerar ku yihiin, ha yeeshee ay muhiimaddu tahay in sharcigu uu shaqeeyo, isagoona ku goodiyay inaanay aqbali doonin in cid gaar ah isasiiso, wax ka dhaxeeya buu yiri ummada Somaliyeed.
“Anaga shaqsi, qabiil iyo koox gaar ah weerar kuma nihin muhiimadad, waa in uu shaqeeyaa sharciga, cidna ka yeeli mayno in ay isasiiso, wax ka dhaxeeya ummada Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Jeesow
Mooshinkan, ayaa ka careysiiyay Madaxda Maamulka Jubbaland, waxayna ku hanjabeen inay xiriirka u jari doonaan Dowladda Federalka, haddii Baarlamaanka Somaliya uu ansaxiyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 13:00 and have
, Published at