daajis.com:- Xoogag ka tisan Ururka Al Shabaab ayaa maanta weerar gaadmo ah ku qaaday askar ka tirsan ciidamada dalka Kenya, weerarkaasi oo ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan deegaan ku dhaw Magaalada Gaarisa ee Yambis.
Dagaalka inta uusan dhicin ka hor ayaa ciidamada Kenya waxaa miino ay kula qaraxday mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen, xilli uu maraayay deegaanka Faafi iyo inta u dhaxeysa deegaanka Yumbis ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Markii baabuurkaasi miinada ay la qaraxday ayaa waxaa gurmad uga yimid dhanka Gaarisa afar gaadiid oo ay wateen ciidamada dalka Kenya, gaarigii ay miinada la qaraxday ayaa la soo wariyay inay la socdeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya.
Warbaahinta Kenya waxa ay sheegaysaa in ku dhawaad 20-Askari laga cabsi qabo in weerarkaasi ay ku dhinteen, halka qaar kalena ay dhaawac yihiin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:23 and have
, Published at