Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo Gaaray Magaalada Kismaayo (VIDEO)

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo Gaaray Magaalada Kismaayo (VIDEO)

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta waxa uu booqasho rasmi ah ku gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wefdi uu hogaaminayay oo ka amba baxay maanta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Axmed Gurey ee Magaalada Kismaayo.




Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo masuuliyiin kale, ayaa soo dhaweeyay wefdiga Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid. Waxaana loo galbiyay Madaxtooyada Kismaayo.

Gawaari safaf la geliyay, ayaa wefdiga Ra’iisal Wasaaraha looga soo galbiyay Garoonka Axmed Gurey, waxayna gawaaridu si nabdoon ku soo gaarsiisay Aqalka Madaxtooyada.


Suxufiyiinta, ayaa waxay soo sheegayaan ammaanka Magaalada Kismaayo in maanta si weyn loo adkeeyay, ka dib markii boqolaal askari wadooyinka la soo dhoobay, lana hakiyay dhaq dhaqaaqii dadka iyo gaadiidka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada