Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta ku sigtay inuu dilo nin Suxufi ah

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta ku sigtay inuu dilo nin Suxufi ah

daajis.com:- Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane, ayaa waxa uu maanta u gacan-qaaday Wariye Ibraahim C/laahi Sheelare, oo ka mid ah Suxufiyiinta degan Magaalada Muqdisho.

Wariyaha waxa uu ka hawlgalaa Idaacada Codka Banaadir oo ku hadasha afka Maamulka Gobolka Banaadir, taasoo uu Agaasime ka yahay C/fataax Cumar Xalane. Wuxuuna Agaasimaha weydiistay in uu siiyo mushaarkiisa, iyadoo aan Shaqaalaha wax mushaaraad ihi la siinin muddo shan bilood.

Wariyaha wuxuu Facebook ku soo qoray in mushaaraadka ay ka doonayan Xalane, isagoona su’aal geliyay waxa mushaaraadka Suxufiyiinta uu ugu dhegan yahay, maadaama uu xuquuqdooda soo dhiibay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Suxufi ka tirsan Idaacada Codka Banaadir, ayaa Sirtaqarsoon.com u sheegay in Xalane uu duhurnimadii maanta soo gaaray Xarunta Idaacada, isagoo lalaaya, isla-markaana uu feer iyo fara-laab kala dul dhacay Wariye Ibraahim Sheelare.

Suxufigan, ayaa inoo sheegay Xalane inuu ka carooday qoraalka uu Ibraahim Sheelare ku soo qoray barta bulshada ku wada xiriirto ee Facebook, isagoona gaaray buu yiri jeer uu bistoolad ula soo baxo Suxufiga, kuna sigto inuu dilo.



Wariye-yaasha iyo Shaqaalaha Idaacada Codka Banaadir, ayaa isku duubay Xalane, kana qaaday bistooladii uu watay, si aanu waxyeelo kale u gaarsiin Wariye Sheelare, oo sanadkii hore ku dhaawacmay qarax ka dhacay maqaaxi ku taala Degmada Xamar Weyne.

Dhacdadaan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in la gaarsiiyay Duqa Magaalada Muqdisho, walow aan la aqoon tallaabada uu kaga jawaabi doono, balse waxaa la ogyahay Xalane inuu yahay shakhsi saxib dhow la ah Muungaab.

Xalane oo horey Agaasime kaga soo noqday qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaa waxaa lagu dhaliilaa inuu Suxufiyiinta duudsiiyo xuquuqdooda, waxaana la tilmaamaa in caan uu ku yahay musuq maasuqa xuquuqda Suxufiyiinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada