Axmed Madoobe oo hakiyay safar uu ku tagi lahaa Addis Ababa, si deg deg ahna Kismaayo ugu noqday

Axmed Madoobe oo hakiyay safar uu ku tagi lahaa Addis Ababa, si deg deg ahna Kismaayo ugu noqday

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, xilli xiisad u dhaxeysa Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ay taagan tahay.


Axmed Madoobe ayaa saaka dib ugu noqday Magaalada Kismaayo, isaga oo kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Xilliga Axmed Madoobe uu ka degaayay Garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaa guud ahaan Magaalada Kismaayo ka socday banaanbax ballaaran oo ay dhigayeen Bulshada reer Kismaayo iyo masuuliyiin Jubbaland ka tirsan.

Qorshaha wuxuu ahaa in Axmed Madoobe oo muddo todobaad ah ku sugnaa Magaalada Nairobi uu tago Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmi lahaa Madaxa Dowladda Ethiopia.

Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya uu ka qaatay dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, awgeed ayuu Axmed Madoobe safarkiisa Addis Ababa u baajiyay sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Maamulkaasi.


Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inuu Saxaafadda la hadlo Hogaamiyaha Maamulka Jubba, si adagna uu kaga hadlo go’aankii mooshinka kasoo baxay iyo arimo kale.

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Dowladda Federaalka Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada