Xildhibaan Dalxa “Kenya sun ayeey noo soo dhoofisaa anagana lacag ayaan u dirnaa dalkeeda”

Xildhibaan Dalxa “Kenya sun ayeey noo soo dhoofisaa anagana lacag ayaan u dirnaa dalkeeda”

daajis.com:- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano kale oo doonaayay inay maanta ka dhoofaan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saameyn ku yeeshay amarkii Dowladda Kenya ay ku diiday in diyaarado ay kaga yimaadaan Magaalada Muqdisho.

Dalxa wuxuu sheegay in lagu wargeliyay in Kenya ay diiday in diyaarado ka socda dalka Soomaaliya aysan tagi karin gudaha dalka Kenya, isaga oo taasi ku tilmaamay wax aan la aqbali karin oo Kenya ay ku dhaqaaqday.

Wuxuu sheegay in Kenya Somalia ay keento Sun oo uu ula jeedo qaadka, halka Somalia ay lacag u geyso Dowladda Kenya, lacagtaasi oo lagu soo iibsado qaadka, wuxuuna sheegay in arintaasi ay tahay mid dhibaato leh.

“Waxaa na loo sheegay in Kenya ay joojisay Diyaaradihii aadi jiray iyo kuwii ka imaan jiray intaba Sababta ma aqaani,taas waxaa ay dhabar jab ku tahay Soomaaliya,Kenya waxaa ay noo soo dhoofisaa Qaad badan oo sun ah anagana Lacag ayaan ka siinaa taasna ma ahan wax la Aqbali karo.” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Maalintii Saddexaad ma jirto diyaarad Somalia ka baxday oo tagta dalka Kenya iyo kuwa ka yimaada Kenya oo Somalia yimaada, marka laga reebo diyaaradaha qaadka ee Kenya ka yimaada oo Muqdisho maalin waliba soo gaara.

Dowladda Somalia gaar ahaan Wasaarada Arimaha Dibada iyo Wasaarada Duulista kama aysan hadlin arintaan Kenya ay ku dhaqaaqday.


Arimaha ugu waaweyn ee Kenya ay u joojisay duulimaadkii Somalia ayaa waxaa lagu sheegay inay arimo amni, maadaama Madaxweynaha Mareykanka Obama Bisha soo socota uu booqasho ku tagaayo dalka Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada