Al-Qaacida oo xaqiijisay geerida Hoggaamiyihooda Yeman

Al-Qaacida oo xaqiijisay geerida Hoggaamiyihooda Yeman

daajis.com:-  Ururka Alqaacida ee dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in uu hogaamiyoodu ku dhintay todobaadkii la soo dhaafay weerar xagga cirka ee uu Mareykanku qaaday. Waxaa la dhintay laga qof ee kale.

Fidiyow la soo dhigay Internetka ayaa lagu sheegay in Nasir AL wuhayshi lagu dilay weerar ay qaaday diyaarad aan duuliye laheyn oo ka dhacay magaaladda dekadda leh ee Mukalla ee gobolka Xadrumoot.


Kooxdiisa oo loo yaqaano Al qaacidada Jasiiradda Carabta ayaa waxay mas’uul ka aheyd dhowr mu’aamaradood ee ka dhan ahaa dalka Mareykanka. Sidoo kale, waxuu ururkaasi ka danbeeyey weerarkii ka dhacay magaaladda Paris ee lagu qaaday wargeyskii Chalie Hebdo.

Nasir-Al-wuhayshiNasir Al Wuhayshi ayaa mar aad ugu dhawaa hogaamiyihii hore ee ururka Al qaacida Usma Bin Ladin.

Afar Mas’uul oo sare oo ka tirsan ururkan ayaa dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay lagu dilay weerarda cirka ee uu Mareykanku qaaday. Waxaana soo baxaya warar la isla dhex marayo oo sheegaya in laga yaabo in Uurka dhexdiida ay ku jiraan dad u shaqeeya ciidamada sirta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada