Al-shabaab oo Canshuur ka qaada shacabka ku nool gudaha Kenya

Al-shabaab oo Canshuur ka qaada shacabka ku nool gudaha Kenya

daajis.com:- Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, ayaa bilihii u dambeeyay sii laba laabay weerarada uu ka geysto gudaha dalka Kenya.

Talaadadii lasoo dhaafay dagaalyahano Al-shabaab katirsan, ayaa qabsaday 3 tuulo oo hoostagta Xaruunta Waqooyi Bari Kenya ee Garrisa, sidoo kale waxaa dagaalyahano Shabaab katirsan lagu arkay Gudaha Mandera.

Sidoo kale wargeyska Breitbart ayaa daabacay in dagaalyahano Al-shababaab katirsan ay Canshuur ka qaadaan shacabka ku nool qeybo katirsan Waqooyi Bari Kenya.

Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in al-shabaab ay jidgooyo dhigato qeybo katirsan Gobolka islamarkaasna ay canshuuraan Gaadiidka halkaas isticmaala.

FILE - In this Thursday, Feb. 17, 2011 file photo, hundreds of newly trained al-Shabab fighters perform military exercises in the Lafofe area some 18km south of Mogadishu, in Somalia. A Somali intelligence official says Zakariya Ismail Ahmed Hersi, a leader with the Islamic extremist group al-Shabab who has a $3 million bounty on his head, has surrendered to police in Somalia. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh, File).

FILE – In this Thursday, Feb. 17, 2011 file photo, hundreds of newly trained al-Shabab fighters perform military exercises in the Lafofe area some 18km south of Mogadishu, in Somalia. A Somali intelligence official says Zakariya Ismail Ahmed Hersi, a leader with the Islamic extremist group al-Shabab who has a $3 million bounty on his head, has surrendered to police in Somalia. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh, File)


Shacabka ku nool deegaanka Warankara, ayaa sheegay in saacado badan ay halkaas haysteen al-shabaab islamarkaasna ay Calankooda Madow ka taageen bartamaha Laamiga Canshuurna ay ka qaadayeen Gaadiidka halkaas maraya.

Majirin dad ay dileen, laakiin shacabka Warankara ayaa ahaa kuwo wal wal iyo cabsi farabadan ay soo food saartay.

Al-shabaab ayaa laba jibaartay weerarada ay ka fuliso Kenya, kadib markii ay Ciidamada Kenya ku biireen dagaalka lagula jiro kooxda.

Isbuucii hore ayay ahayd markii ay dagaalyahano Alshabaab katirsan wadada u galeen kolonyo Ciidamada Booliska Kenya katirsan kuwaasoo marayay qeybo katirsan Garrisa, waxaana halkaas ay ku dileen in kabadan 20 kamid ah ciidamada Booliska Kenya.

Sidoo kale Bishii April ee lasoo dhaafay Al-shabaab ayaa weerartay Jaamacadda Garrisa, waxaana halkaas ay ku dileen 147 ruux oo isugu jira Arday, Askar iyo shaqaalihii Jaamacadda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada