daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjire Tina Kaidanow oo ah Xiriiriyaha Hawlgallada la Dagaallanka Argagixisada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Kulankan oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Dibada C/salaan Hadliyeiyo Mas’uuliyiin kale, iyadoo kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa, waxaa si gaar ah loogaga hadlay xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.
“Aad baan ugu faraxsanahay taageerada uu Mareykanka u fidinayo Soomaaliya, waxaana dhiirigelinayaa in halkaa laga sii wado si mar kale uu waddankeena dib cagahiisa uu isu taago. Horumar badan ayaan ka sameyney dhinacyada siyaasadda iyo nabadgelyada, waxaana dooneynaa in Mareykanka iyo waddamada kale ee Soomaaliya taageera ay yeeshaan iskaashi dhow oo fududeyn kara taageerada ay siiyaan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay si weyn baahi ugu qabto in laga taageero dhinaca dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta xarrumo lagu barto mihnadaha kala duwan, si taasi ay gacan uga geysato dib u soo kabashada dhaqaalaha, shaqo abuurista iyo sugidda amniga.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudana Cumar Cabdirashiid oo isna kulankaasi ka hadley ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhismaha maamullada iyo barnaamijka isku dhafka ciidammada, oo uu sheegay in horumar badan laga sameynayo.
Danjire Tina Kaidanow , ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda Mareykanka ay si weyn ugu qanacsan tahay horumarka dowladda Soomaaliya sameyneyso, iyadoo dhanke kalena sheegtay inay sii wadi doonaan taageerada lagu xaqiijinayo in horumarkaasi la sii adkeeyo.
Labada dhinaca ayaa sidoo kale ka hadley baahida loo qabo iskaashi dhow oo ku aaddan la dagaalanaka argagixisada oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo beesha caalamka, iyagoo sidoo kalena walaac ka muujiyey xasaradda ka aloosan Yemen oo keeni karta in nabadgelyada gobolka iyo tan caalamka khalkhal uu ku yimaado.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:22 and have
, Published at