daajis.com:- In ka badan 90 ruux ayaa ku geeriyootay, markii uu dab ka kacay kaalin shidaal ku yaala magaalada Accra ee Caasimada Ghana, xilli ay dadkaas gabaadsanayeen goobtaas shidaalka.
Kooxaha gurmadka deg dega ayaa sheegaya inay dhici karto inay dhimashada kororto, waxaana dabkan uu ka kacay shidaalka, iyadoo dad badan ay gabaadsanayeen halka uu ku yaalo kaalinta shidaalka, kadib roobab xoogan oo da’ayay.
Roobabka ayaa saameyn ku yeeshay qeybo ka mid ah caasimada Accra, waxaana daadad badan ay dadka ugu soo galeen guryahooda, waxaana dadkaas iyagoo ka cararayay daadadka ay galeen kaalinta shidaal, kadibna ay qaraxday.
Madaxweynaha Ghana John Mahama ayaa booqday goobta ay musiibada ka dhacday, waxaana uu ku baaqay in dadka is dejiyaan, isagoo amaan u jeediyay dadaalka ay wadeen kooxaha gurmadka deg dega.
Qeybo badan oo ka mid ah magaalada Accra ayaa waxa ka go’aday korontodii kaddib markii ay burbureen khadadkii korontada qeybinayey. Durbadiiba waxa la dareemayaa in korontadu ay gabaabsi tahay.
In badan oo ka mid ah gannacsada ayaa ku hanti beelay roobabka labada maalin da’ayay oo waxyeelo u gaystay caasimada. Khubarada dhinaca hawadana waxay ka digayaan in ay di’i doonaan roobabka kale oo badan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:27 and have
, Published at