Daawo Sawirada:- Jaamacadda Modern oo lagu qabtay munaasabadda maalinta dhaqanka

Daawo Sawirada:- Jaamacadda Modern oo lagu qabtay munaasabadda maalinta dhaqanka

daajis.com:- Jaamacadda Modern University for Science & Technology xarunteed weyn ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay Munaasabada maalinta dhaqanka ee Jaamacadda Modern.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay gabayo buraanbur geeraaro iyo noocya kala duwan oo ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka ah  oo ay soo bandhigeen ardayda Jaamacadda.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay Maamulka Jaamacadda arday iyo Marti sharaf ka soo qeyb galay munaasabadda.

Maxamed Cabdisuldaan  oo ah madax Jaamacadda Modern ayaa goobta ka sheegay ahmiyada ay leedahay soo nooleynta Hidaha iyo Dhaqanka, iyo in ardayda oo ah da’yar ku kortay magaalooyinka ay lagama maarmaan tahay in ay bartaan dhaqankooda soo jireenka ah.

“Jaamacadda Modern ayadoo ka duuleyso mas’uuliyadda ka saaran u hiilinta dhaqanka iyo Hidaha Soomaaliyeed, ayey 4ta bisha Juun sanad walba u asteysan in ay xusto dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Maxamed Cabdisuldaan oo ah madaxa jaamacadda Modern.

Jaamacadda Modern University for Science & Technology oo ka mid ah Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee ka howl gala caasimadda dalka, ayaa waxaa wax ka barto boqolaal arday oo barata culuumta Caafimaadka, IT, Ganacsiga  iyo dhaqaalaha iyo Journalism-ka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada