Gobolka Banaadir oo bilaabay inuu la dagaalamo Cali Garoob: VIDEO

Gobolka Banaadir oo bilaabay inuu la dagaalamo Cali Garoob: VIDEO

daajis.com:- Geedka loo yaqaan Cali Garoobka oo dadk badan u yaqaanaan Geed Yahuudka ayaa dhibaato ku haayo qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo uu bilowday olole lagula dagaalamayo geedkaasi.

Geedkaan ayaa ah mid halls badan shacabka kala kulmaan, wuxuuna nabad guuriyaa dhirta kale, iyadoo meesha uu ka baxo aan dhir kale kasoo bixin, waxaa kaloo halistiisa ka mid ah in qofka uu duro dhibaato ugu timaado qodaxdiisa.cali-garoob-geed-yuhuud

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Jen. Muungaab ayaa sheegay in Geedka Cali Garoobka uu fara ba’an ku haayo dadka shacabka ee ku dhaqan degmooyinka gobolka, wuxuuna tilmaamay in uu xeray wadooyin badan oo dadka iyo gaadiidka isticmaali lahaayeen.

Geedkan ayaa magaalada Muqdisho lagu arkay xiligii ay dalka soo galeen ciidamada UNISOM sanadkii 1992-kii, isagoo meelaha lagu arkay ay ka mid ahaayeen goobaha ay ku qeybin jireen digirtii loo yaqiin beebeeshee iyo xarumihii ay deganaayeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada