Al-Shabaab oo mar kale gudaha u gashay tuulooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi bari Kenya

Al-Shabaab oo mar kale gudaha u gashay tuulooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi bari Kenya

daajis.com:- Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa mar kale gudaha u galay tuulooyin ka tirsan gobolka waqooyi bari Kenya, halkaasoo muddo kooban la wareegeen.

Tuulooyinka ay gudaha u galeen dagaalyahanada Shabaab ayaa ka tirsan deegaanka Mandera ee ku taalla xadka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalyahanada Shabaab ay khudbad u jeediyeen dadka deegaanka, iyadoo aanay jirin wax dhibaato ah oo ay ka geysteen.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Iskuuladii deegaanka albaabada la isugu dhiftay, iyadoo dad badan oo boqolaal ah ay ka barakaceen deegaanada

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Mandera Bilow Aadan Kerow ayaa sheegay in weerarada Al-Shabaab ay dhibaato ku yihiin guud ahaan Gobolka.

Bilow Kerow ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay si deg deg ah wax uga qabato amni darada ka jirta gobolka.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay la wareegtay deegaano ka tirsan gobolka waqooyi bari, iyadoo calan ka taagtay, waxaana cabsi badan soo wajahay dadka ku dhaqan gobolka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada