Al-shabaab oo qorsheyneysa ineey Bisha Ramadaan weeraro ka geysto Kenya

Al-shabaab oo qorsheyneysa ineey Bisha Ramadaan weeraro ka geysto Kenya

daajis.com:- Dowlada Kenya ayaa Sabtidii shalay soo saartay digniin dhinaca amaanka ah oo ku saabsan in Al-shabaab ay qorsheyneyso ineey weeraro ka geysato Gudaha Kenya inta lagu gudo jiro Bisha barakaysan ee Ramadaanka.

Madaxa Dambi Baarista Kenya ee (IG) Jen. Joseph Boinnet, ayaa sheegay ineey heleen digniino ku saabsan in Al-shabaab ay qorsheyneyso marka la gaaro Bisha barakaysan ee Ramadaanka ineey weeraro ka fuliso xaruumaha Doowlada, sidoo kale waxa uu sheegay in la beegsan doono qaar kamid ah wariyaasha Kenya, kuwaasoo inta badan baahiya warar lidi ku ah Al-shabaab.


Sidoo kale Goobaha ay Al-shabaab qorsheeysay ineey weerarto waxaa kamid, Kaniisado, Iskuulo, jaamacado iyo Suuqyada dadku ku badanyahay.

Joseph Boinnet, ayaa ciidamada amaanka Kenya ugu baaqay, ineey qaadaan howlgalo amaanka lagu xoojinaayo si looga hortago weeraradaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada