daajis.com:- Xoogaga Alshabaab ayaa sheegtay inay ka danbeeyaan dagaalkii is qarxinta ahaa ee saaka lagu qaaday Xero ciidamada Amisom ka dagan yihiin Deegaanka leego ee degmada Walaweyn Gobolka shabeelaha hoose.
Sida goor dhow lagu qorey barta internetka ee alshabaab dagaalka saaka waxaa ku dhintay ilaa 50 askari oo ka tirsanaa ciidamadii xerada deganaa inkastoo warar madax banaan aan loo heyn cadeynta sheegashada alshabaab.
Alshabaab waxay warkooda ku sii sheegeen in gabi ahaanba ay la wareegeen xeradioi ay werareen islamarkaana ay qaateen wixii hub yiilay oo dhan.
Alshabaab waxay sheegeen inay tiro ciidamo ah nolosha ku qafaasheen ayna hada gacanta ku hayaan.
Sidoo kale Saraakiishii hogaamineysay alshabaab ayaa markii ay xerada qabsadeen waxay meel fagaare ah kula hadleen dad aan badenyn oo isku soo baxay dagaalka kadib .
Ma jirtto wax war ah oo wali ka soo baxay taliska ciidamada Amisom ee Magaalada Muqdisho marka la eego weeraraka xooggan ee saaka ka dhacay Leego iyo sheegashada Alshabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at