Weerar lagu dilay dalxiisayaal u badan Ajaaniib oo ka dhacay dalka Tunisia (Sawiro)

Weerar lagu dilay dalxiisayaal u badan Ajaaniib oo ka dhacay dalka Tunisia (Sawiro)

daajis.com:- Ugu yaraan 27 ruux oo badankood ay ahaayeen ajaaniib ayaa ku dhimatay weerar lagu qaaday magaalada xeebta ku taal loona dalxiis tago ee Sousse dalka Tunisia.

Wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Tunisia ayaa sheegtay in mid ka mid ah dableyda weerarka geysatay la diley halka mid kalana uu baxsaday.

Dalka Tunisia ayaa digtooni dheeri ah la geliyay ciidamada ammaanka tan iyo bishii March xilligaa oo dabley hubeysan ay dileen 22 ruux kadib markii ay gudaha u galen madxaf caan ah oo ku yaal caasimada Tunis.

Weerarka lagu qaaday goobta loo dalxiis tago ayaa waxa ay ahaayeen labo hotel oo dad ajaaniib ay ku sugnaayeen.

Illaa hadda ma jiro cid sheegatay inay ka dambeysay weerarkan oo ah kii labaad oo lala beegsado dalxiisayaasha dalka Tunisia.

Hase ahaatee ururka IS ayaa sheegay in uu kordhinayo weerarada uu ka geysanayo caalamka bisha Ramadaan.

Dalka Tunisia ayaa dhaqaale xoog leh uu ka soo gala dalxiiska iyadoo sanad walba ay malaayiin ruux u soo tamashle taga dalkaas.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada