daajis.com:- Nimankii Maanta Weerarka ku qaaday Warshad suubisa hawada oxygen-ta iyo hawooyin kale ayaa waxaa wasiirka arimaha Gudaha ee dalka Faransiiska uu sheegay in nimakani ay wateen Calamo ay ku qoranyihiin afka Carabiga, ku waasi oo ah Calamo lagu yaqaan Ururrada Jihaadka sida: Al’qaida iyo Daacish.
Nimankan ayaa la sheegay inay markii ninkii warshadda gudaheeda ku sugnaa ay qoorta ka jareen ay ag dhigeen calan ay wateen, Qoortii ay ka jareena soo dhigay albaabka laga soo galo Warshadaasi.
Arintan ayaa waxa ay argagax ku abuuraysaa ummadda Faransiiska oo ah dad iyaga hadda ka soo kabanaya naxdintii ay ka qaadeen weerarkii Charlie Hebdo ee lagu dilay Joornaalisteyaal badan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at