daajis.com:- Xukuumadda ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay xaqiiqsato in dadka xag jirka ah ee leh labada dhalasho ee dibadda ka soo dagaalamay in aysan ku soo noqon karin dalka Australia.
Qaanuukan ayaa sidoo kale loo adeegsanayaa in lagala noqdo qofkii laba dhalasho leh ee fal argagixiso ka geysta dalka Australia gudihiisa.
Xukuumadda ayaa sheegtay in isbedelka qawaaniinta dhalashada la keeni doono baarlamaanka maalinta Arbacada.
Ra'iisal Wasaaraha Australia, Tony Abbott ayaa sheegay in qaanuunkan lagu qaadi karayo kala bar 120 qof ee Australia u dhashay ee ka barbar dagaalamaya Ururka Daacish.
Mr. Abbott ayaa sheegay in isbedelka lagu sameeyay qaanuunka dhamaantii looga gol-leeyahay in lagula dagaalamo argagixisada.
Gudiga baarlamaaka ugu qeybsan sirta iyo amaanka ayaa waxay ka baaraan dagi doonaan in qanuunkan ay tahay in loo adeegsado keesas qaanuunka ka horeeyay.
Mr. Abbott ayaa sheegay in marka la fiiriyo in tiro dad ah oo laba dhalasho heysta ay hadda xabsiyada ku jiraan oo lagu helay danbiyo argagixiso, ayaa Gudiga Sirta iyo Amniga ay tahay in ay ka baaraan degaan in kasaskii hore ee dadkaa lagu qaado qaanuunkan cusub.
Waxuu kale oo uu sheegay in la sameenayo dib-u-eegis looga baaraandagayo waxa laga yeelayo muwaadaniinta Australia dhalashadiida oo kaliya heysta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at