Madaxa Sirdoonka Rwanda oo London lagu xiray

Madaxa Sirdoonka Rwanda oo London lagu xiray

daajis.com:- Madaxa sirdoonka dalka Ruwanda Karenzi Karake,oo Spain ay u haysatay dambiyo dagaal ayaa lagu xiray magaalada London, sida uu ogaaday barnaamijka BBC-da ee Newsnight.

Waxaa la fahansanyahay in booliiska wax masaafuriya ay generaal Karake ka qabteen garoonka diyaaradaha ee Heathrow sabtidii.

Saldhiga booliiska looga arrimiyo ayaa sheegay in 54 jirkaas Rwandiiska ah maxkamad la geeyay xabsigana lagu sii hayn doono ilaa iyo shan iyo labaatanka bishan lixaad.

Karake, waxa uu ka mid yahay afartan sarkaal oo 2008-dii ay maxkamad ku taala Spain ku eedaysay tacadiyo, dambiyadaasi waxaa ka mid ah in xasuuqii kadib uu amray dil wadareed isaga oo markaas ahaa ku simaha madaxa sirdoonka ee millitariga.


Gen Karake waa madaxa laanta sirdoonka qaranka ee Rwanda, xiritaankiisa waxaa loo cuskaday waraaq ay Yurub ku dalbatay in ninkaasi la qabto.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada