Baarlamanka DF oo maanta codka u qaadaya Mooshinka B. Jubbaland

Baarlamanka DF oo maanta codka u qaadaya Mooshinka B. Jubbaland

daajis.com:- Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in Baarlamanka DF ay isugu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn, kaasoo ay go’aan kaga gaari doonaan Mooshinka laga soo gudbiyay Baarlamanka maamulka Jubaland.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah Hab-dhowraha Barlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta uga warramay Ajandaha Barlamaanka Soomaaliyaee la xiriira Arrinta Mooshinka Golaha wakiillada Maamulka Jubba.

“Sida aad Ogtihiin muddooyinkaan waxaa jiray mooshinka ka dhanka ah Golaha wakiillada Maamulka jubba oo horay looga Dooday balse aan lagu da galelin sababo la xiriira Tiradii Barlamaanka ee loo baahnaa oon dhamaystirmin maanta oo taariikhdu tahay lixda bisha June waxaa la filayaa in loo Coddeeyo Arrintaas mooshinka ah iyodoo Barlamaanka la horgayn Doono Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda iyo Hindisaha Shaqaalaha Ajaanibta ah” Ayuu Yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.


Inkastoo horey uu dib u dhac ugu yimid Arrinta Cod u qaadista mooshinka ka dhanka ah dhismaha Golaha wakiillada Maamulka KMG Jubba ayaa kama dambays maanta waxaa la Doonayaa in Cod loo qaado si howsha kale ee Barlamaanka uu hayo ay u sii socoto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada