daajis.com:- Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida u waayay qaab dhismeedka baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba, kaasi oo maalmahaan mooshin ka yaalay Baarlamaanka dhexdiisa.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud, oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka maanta ay soo xaadireen kulankooda caadiga ah.
Wuxuu sheegay in 142 xildhibaan ay goobjoog ahaayeen kulanka maanta loogu codeynayay qaab dhismeedka baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba, kaasi oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka.
Xildhibaanka wuxuu sheegay in codk a gacantaaga marka la gaaray 132 xildhibaan ay ogolaadeen mooshinka dhigaya in qalad yahay qaabka baarlamaanka Jubba loo dhisay.

Waxaa taasi micnaheeda uu yahay in baarlamaanka Jubba uu yahay mid sharci daro ku dhisan dibna loosoo dhisayo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:23 and have
, Published at