Camey oo C/wali Gaas Ka Awood Roonaaday iyo Mustaqbalka Cali Xaji Warsame

Camey oo C/wali Gaas Ka Awood Roonaaday iyo Mustaqbalka Cali Xaji Warsame

daajis.com:- IN MUDO AH WAXAA INDHAHA LAGU HAYAY GAROWE IYO WAXA UU C/WALI GAAS KA YEELI DOONO ISKU SHAAN DHAYNTA GOLIHIISA WASIIRA HASE AHAATEE XALAYTO AYUU MADAX WEYNUHU ISKU SHAAN DHAYTII SAMEEYAY.

Iskushaandhaynta lagu sameeyay Golaha Xukuumadda Puntland ayaa waxaa xilkoodii ku waayay oo aan Liiska ka muuqan Wasiiradda Waxbarashadda,Caafimaadka,Amniga, Maaliyadda iyo Wasaaradda Deegaanka,duurjoogta iyo Arrimaha Dalxiiska .

Marka aad u fiirsato isbadalkaan lasa meeyay ayaa u muuqda mid ku yimid awooDr-Gasd qaybsi dhinac u badan iyo waliba isgarasho .



Aynu ku hormaro awood qaybsiga dhinica u batay:

Sida aynu ka war qabno waxaa jiray khilaaf ka dhextaagna C/wali Gaas iyo ku xigeen kiisa camey kaasi oo marba marka kadamaysa sii xoogaysanaayay hadaba si khilaafkaas meesha looga saaro ayaa waxa lasameeyay awood qabsi ku salaysan qaab beeleed, madax weynuhu waxa uu matalaayay beelaha majeerten halka uu cameyna matalaayay hartiga intasoo hadhay siiba dhulbahante , intii lagu guda jiray awood qayb sigan mudane camy waxaa uu ku fara adaygay in dhamaan wasiirada dhulbahante ay soo laataaban oo ay soo wada noqadaan sidoo kalena in uu helo wasaarado horleh oo wax tarkoodu badan yahay, Run ahaantiina waa uu ka dhabeeyay go’ aan kiisii intiisi bad nayd .

Waxaa dadka reer puntland wax lala yaabo u arkeen in ahmed cilmi kharaash uu wali kasii dhex muuqdo wasiirada oo uu booskiisii fadhiyo iyada oo ay ilaa iyo hada aysan jirin wax lataaban karo oo ay wasaaradiisu qabatay , taasina waxa ay ku tusaysaa heerka ay gaarsiisan tahay awooda camey iyo xulafadiisa.

Wasiiro badan oo ay ugu horeeyaan Aniso Xaaji Muumin iyo Shire Xaaji Faarax ayaa dib u soo laabtay iyaga oo kasoo galay garabka madax weynaha soona maray marwada madax weynaha , sidoo kale waxaa wada hadal u lagalay marwada kuyihid wasiirka maaliyada puntland C/laahi sheekh Ahmed , waalayaab mesha waxaa ku hardamaya camey iyo marwada madax weynaha .dhanka kale wasiirka wasaarada kaluumaysiga C/nuur cilmi maxamed waxa uu ku sii joogay wa garasho uu ka haysto camey.

Mustaqbalka Cali Xaji Warsame

Cali xaji oo ahaa wasiirkii wax barashada  iyo tacliinta sare puntland wax badana u soo qabtay imageswasaaraddan intii uu madaxda ka ahaa,   xalayto  ayuu kadhex muuqday wasiiradii xilkooda waayay

MAXAA KEENAY IN CALI XAAJI LA BADALO ?

In muddo ahba mudane cali xaaji wax uu ku mashquul sanaa sidii uu Uga tagi lahaa puntland iyo wasaaradda uu madaxda ka yahay balse had iyo jeer uma aysan suurtoobayn , mar waxa uu isu sharaxay raysul wasaaraha somalia marrar kalena waxa uu aaday fadaraalka sidii uu boos uga raadsan lahaa , markii ugu damaysay waxa ay ahayd markii uu madaxweynaha somalia xasan sheekh uu so booqday garowe si uu puntland uga la hadlo arinta gobolka mudug iyo waxa lagayeelayo , cali xaaji oo ah siyaasi kasoo jeeda gobolkaas waxa uu isla maalin tiiba u dhoofay Nairobi taasi oo caday u ah in cali uu san rajo kaqabin sii joogitaan kiisa puntland , iyada oo sidoo kalena dhalisay khilaaf iyo calool xumo u dhexaysan isaga iyo madaxweyne gaas .

MUXUU NOQONKARAA MUSTAQBALKA CALI ?

Waa arrin ay in badan oo dadka reer puntland ah si wey diiyeen waayo waxa ay ka war qabeen oo ogaayeen wax qabadkii farha badnaa ee cali xaaji uu qabatay .

Waxaan dadka siyaasada ka faalooda ay ku tilmaameen in uu cali damacsan yahay in gobolka mudug  u matalo shirka cadaado , sidoo kalena waxaa meesha ku maqnayn xiriir baryahaan dambe soo wanaag sanaanayay oo u dhexeeya fadaraalka iyo cali xaaji , marhdii uu waayay xilkii uu puntland ka hayay waa in uu cadaado tagaa .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada