Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukunno Ku riday eedeysaneyaal (VIDEO)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukunno Ku riday eedeysaneyaal (VIDEO)

daajis.com:- Waxay maanta Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xukunno ku riday labo eedaysane oo ka tirsanaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dil ulakac ah u gaysteen Rag isugu jiray Ciidan iyo Shibil.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Gaashaanle Xasan Cali Shuute oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in labo Askari oo ka tirsaneyd ciidamada xooga dalka Somaliyeed xukun dil ah lagu riday, kadib markii Xafiiska Xeer ilaalinta uu soo eedeeyay.



Labada Askari ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa waxa ay kala yihiin Maxamed C/laahi Maxamed oo lagu eedeeyay inuu dilay Bashiir Cali Muuse oo ciidamada Dowladda ka tirsanaa.

Sidoo kale Askariga labaad ayaa isagana waxaa lagu magacaabaa Ceydiid Faarax Sheekh Axmed Kadare, wuxuu ku eedeysnaa inuu dilay Marxuumiinta kala ah Farxaan C/qaadir Mire iyo Muuse Xujaale Garaad.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada