daajis.com:- Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa sheegay inay dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo horay uga tirsanaa Mas’uuliyiintii dowladda ee maamulkii hore ee Gobolka Bakool.
Taliyaha Ciidamada Milateriga Gobolka Bakool C/raxmaan Maxamed Cismaan (Tima-Cadde) ayaa warbaahinta u sheegay in howl gal gaar ah oo ay sameeyeen ciidamada xooga dalka ay ku dileen deegaan ku dhow Xudur Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa howl gelinta iyo abaabulka dagaalada Gobolka Bakool.
“Ninkan waxaa la dhahaa Qaasim waagi hore ayuu Guddoomiye kuxigeen ka ahaa degmada Xuduri, xilligii dowladdii C/llaahi Yuusuf, Shabaab ayuu markii dambe u galay, wuxuuna noqday nin Amiir ah, waa nin caan ahaa, dadka deegaanka ayuu aad u dhibaateyn jiray”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Milateriga ee Gobolka Bakool.
Mar la weydiiyay sida ay ugu suura gashay inay Sarkaalkan ku dilaan ayuu xusay in howl gal gaar ah oo xalay ka dhacay deegaan ku dhow Xudur ay ku dileen Sarkaalkan, isla markaana horay xaaladiisa ula socdeen, dadka deegaankana ay ku soo wargeliyeen sida uu yiri.
“Waxaa uu u qaabilsanaa howl galinta iyo abaabulka Gobolka Bakool, awalba nin dhuuanaya ayuu ahaa, habeenba meel ayuu seexanayay, xalay ayaa suura gashay in gurigii uu ku jiray in loogu tago oo halkaas lagu qaarijiyay, waana ka warheynay”ayuu yiri Col. Tima-Cadde.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in shalay gelinkii dambe uu dagaal xoogan ka dhacay deegaan ku dhow degmada Tiyeeglow, isagoo intaa ku daray in dagaalkaas ay uga dhimatay labo askari, halka Shabaab ka dileen shan dagaalyahan, iyo baabuur ay ka gubeen.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Sarkaalkan ka tirsan Ciidamada dowladda, sidoo kale ma jiraan war madax banaan oo xaqiijinaya dilka Sarkaalkan ka tirsanaa Al-Shabaab.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at