daajis.com:- Wasiirkii Caddaaladda ee Dowlad Goboleedka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta xilkii uu u hayay Dowladda iska Casilay.
Ismaaciil Maxamed oo Saxaafadda kula hadley magaalada Garoowe ayaa is-casilaadiisa ku sheegay inay ka danbaysay kadib markii ay is qilaafeen asaga iyo Madaxda sare ee Puntland..
Ugu horeyntii wuxuu si cad u sheegey wararkii maalmahan danbe la’isla dhex-marayey ee Golaha Wasiirada cusub ee la doonaayo in lagu dhawaaqo in ay tahay mid jirta, isagu in uu sii ahaado Wasiir iyo in kalena ay isku qabsadeen Madaxweynaha iyo ku-igeenkiisa, taasina ay ku laiftey in uu xilka iskiis u baneeyo.
Wasiirka xilka baneeyey ayaa dhanka kale shegey in Wasaaraddiisu tirsaneyso in aysan helin wax mushaar ah oo 8 bilood ee la soo dhaafey, aysan si nadiif ah u helin shaqaalaha xuquuqdooda.
Wasiirkii Caddaaladda ayaa noqonaya Wasiirkii u horeeyey ee xilka ka daga tan iyo markii la dhisay Dowladan cusub.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:49 and have
, Published at