daajis.com:- Maxamed Aadan Farkeeti oo ah Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Maputo ee dalka Mozembiqeu uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka.
Shirkan oo ay isugu yimaadeen 56-da wadan ee xubnaha ka ah Bangiga Horumarinta Islaamka iyo Hay’ada deeqaha bixiso ee uu leeyahay milkiilaha Shirkadda Microsoft ee Bill Gate.
Wasiirka ayaa shirka ka jeediyey Khudbad dheer oo uga hadlayo horumarka ay Soomaaliya gaartay sanadihii la soo dhaafay iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay uga sameeyeen horumarka dhanka Dhaqaalaha, Siyaasada, Arrimaha Bulshada iyo Dib u dhiska dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in Bangiga Horumarint Islaamka uu Soomaaliya ka caawiyo qaybo ay ka mid yihiin Caafimadka iyo Waxbarashada, shirkaana lagu go’aamiyey lacag gaarysa 500 milyan oo dollar oo loogu deeqay wadamada xubnaha ka ah Bangiga.
Wasiirka ayaa yiri: “Bangiga Horumarinta Islaamka oo xaruntiisu tahay magaalada Makah ee dalka Sacuudi Carabiya iyo Hay’ada Samafalka ee Gate Foundation ayaa isku raacay in la bixiyo lacag gaaraysa 500 Milyan oo dollar oo lagula dagaalamayo Fakhriga iyo Cudurada wadamada xubnaha ka ah Bangiga Horumarinta Islaamka, Sanduuqaan oo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan Bangiga iyo Hay’ada Bill Gate Foundation ayaa looga gol leeyahay in wax looga qabto saboolnimada iyo cudurada, laguna abuuro barnaamijyo lagu taageerayo Caafimaadka, Beeraha iyo kor u qaadida nolosha dadka reer miyiga ah” ayuu yiri Wasiirka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at