Daawo Lix Nin Oo Yamaniyiina Oo Mudo Ka Badan Toban Sano Ku Xirnaa Xabsiga Guantanamo Bay Oo Loo Wareejiyay Dalka Cuman (VIDEO)

Daawo Lix Nin Oo Yamaniyiina Oo Mudo Ka Badan Toban Sano Ku Xirnaa Xabsiga Guantanamo Bay Oo Loo Wareejiyay Dalka Cuman (VIDEO)

daajis.com:- Lix nin oo Yamaniyiin ah oo muddo ka badan toban sano ku xirnaa xabsiga uu mareykanka ku leeyahay Cuba ee Guantanamo Bay ayaa loo wareejiyay dalka Cuman.
Raggani ayaa loo haystay eedeymo la xiriiro argagixisnimo.

Tallaabadani ayaa waxa ay yareynaysaa tirada maxaabiista xabsigaasi ku jirta, taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee maxaabiista halkaasi ku xiran 116.

Tridani ayaa waxa ay kala bar ka yartahay maxaabiistii halkaasi ku jirtay markii madaxweyne Obama uu xukunka dalkaasi la wareegay, isaga oo xilligaasi ballan qaaday in uu xirayo xabsigaasi.

Waaxda gaashaandhigga mareykanka ayaa sheegtay in ay Cuman uga mahadnaqayaan tallaabadaasi bani’aadanimo.

Inta badan maxaabiiska ku harsan xabsigaasi ayaa ah dad ka soo jeeda dalka Yaman balse mareykanka ma doonaya in uu dalkooda ku celiyo sababo la xiriiro xasaaradda ka taagan dalkaasi Yaman.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada