Ciidamo Burundi ka tirsan oo ku firxaday weerarkii Leego oo lasoo badbaadiyay

Ciidamo Burundi ka tirsan oo ku firxaday weerarkii Leego oo lasoo badbaadiyay

daajis.com:-  Ugu yaraan 13 ka mid ah Ciidanka Burundi ee Amisom ka tirsan oo ku firxaday dagaalkii deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa la soo badbaadiyay.

Ciidamada Dowladda Somaliya oo ku sugnaa meel ku dhow deegaanka Yaaqbari-weyne, ayaa soo badbaaday Ciidanka Burundi, iyagoo aan wadan wax hub ah, isla-markaana ay iska soo dhigeen dareyskoodii.

Ciidanka Burundi oo ku shoogay weerarkaasi, ayaa la soo sheegayaa inay ku hadaaqayen aaway Burundi iyo ereyo kale. Waxaana la geeyay Xerada Amisom ku lee dahay deegaankaasi Yaaqbari-weyne.

Taliyaha-Amisom-Afgooye-4Askartan, ayaa ka mid ahaa Ciidankii Burundi ee lagu weeraray Xerada Leego, waxayna si adag kaga soo baxsadeen gacanta mintidiinta Al Shabaab. Al Shabaab ayaa weerar xoogan ku qabsatay Xeradaasi, Jimcihii shalay.


Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa sheegay in la waayay askar ka tirsan Ciidanka Burundi, kuwaa oo nolol iyo geeri aan midna lagu hayn.

Laba toddobaad ka hor, ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda Somaliya ay soo badbaadiyen laba ka mid ah Ciidamada Itoobiya ee Amisom ka tirsan, ka gadaal markii ay ku farxadeen dagaalkii deegaanka Buulo Jameeco, ee duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada